Garoowe: 30 June 2025: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland
Garoowe: 30 June 2025: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Hon Mohamoud M. Ali Gabax, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Siciid Maxamed Raage iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Siciid Black ayaa maanta hortagey Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa shir gudoomiyey kulanka oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.
Hor imaanshaha Golaha ee Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa salka ku haysa in golaha lala wadaago warbixinta wasaaradda ee guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa xildhibaannada Golaha Wakiillada uga jawaabay su’aalo kala duwan oo la xiriira howlaha wasaaradda u xil saaran tahay.
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane Siciid Aadan Xasan, Madaxa dhaqaalaha Buluugga ah ee Wasaaradda, Mudane Eng. Cabdiqaadir Xuseen iyo La-taliyaha Wasaaradda Mudane Cali Salaad oo soo jeediyey warbixinta wasaaradda ayaa sidoo kale kasoo qaybgalay Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-







Wp-marino
October 31, 2023Lorem lipsum dolor sit amet, adipiscfvdg fgjnving consectetur adipiscing elit dolor sit amet. Adipiscfvdg fgjnving consectetur adipiscing elit. dolor sit amet. Ipsum dolor sit amet, adipiscfvdg fgjnving consectetur adipiscing elit
Wp-marino
January 30, 2024Torem lipsum dolor sit amet, adipiscfvdg fgjnving consectetur adipiscing elit dolor sit amet. Adipiscfvdg fgjnving consectetur adipiscing elit. dolor sit amet. Ipsum dolor sit amet, adipiscfvdg fgjnving consectetur adipiscing elit
Wp-marino
January 30, 2024Fgjnving consectetur adipiscing elit dolor sit amet. Adipiscfvdg fgjnving consectetur adipiscing elit. dolor sit amet. Ipsum dolor sit amet, adipiscfvdg fgjnving consectetur adipiscing elit